Wararka

Diyaarad rakaab ah oo Turkiga laga leeyahay oo labo qeybood u kala go’day balse aan jirin…


Diyaarad rakaab oo Turkish ah ayaa ka baxday wadada ay ku carareysay ee garoonka diyaaradaha Sabiha Gokcen International Airport maanta oo Arbaco ah ee dhinaca Aasiya ee Istanbul, taasoo keentay inay u kala go’do laba qaybood.

Warbaahinta Turkiga waxay soo weriyeen in diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Turkiga, Pegasus, oo ah kuwa lagu raaco qiimaha jaban, ay ka baxday dhabihii ay ku carareysay ee garoonka kadibna dab ku qabsaday gudaha garoonka diyaaradaha, laakiin Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Cahit Turan ayaa tilmaamay inay jiraan dhaawacyo balse aan la diiwaangelin wax khasaaro nafeed ah. Waxaa la sheegayaa in 52 ruux ay ku dhaawacmeen.

Muuqaalka telefishanka ayaa muujinaya burburka qeybta hore ee diyaaradda, waxaa la arkayey rakaabkii iyaga oo kaga degaya hal dhinac, shabakada NTV ayaa soo warisey in 177 qof ay saarnaayeen.

Diyaaradda ayaa waxaa ku dhacay dabeylo aad u daran iyo roob culus intii ay ka soo duushay garoonka Izmir, oo ku yaal xeebta Aegean ee Turkiga, kuna sii jeeday magaalada Istanbul.

Hay’adda raadiyaha iyo telefishanka ee dowladda, “TRT”, ayaa sheegtay in garoonka la xiray, waxaana loo diray isla markiiba dab damiyayaal goobta shilku ka dhacay, waxaana weli socota daadgureynta.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10875 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: