Wararka

Maxkamad Koonfur Afrikan ah oo amar ku bixisay in la soo xiro M/weynihii hore Jacob Zuma…


Maxkamad kutaala dalka Koonfur Afrika ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro Madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo loo heysto dacwado la xariira in uu sameeyay Musuq maasuq intii uu xilka hayay.

Amarka maxkamada ku bixisay in lasoo xiro Madaxweyne hore Jocob Zuma ayaa timid kadib markii uu ka baaqsaday in uu hor yimaado maxkamada oo la filayay in ay qaado dacwada lagu soo eedeeyay.

Qareenada u doodaya Jacob Zuma ayaa sheegay in sababtii uu maanta maxkamada uga baaqday Madaxweynaha ay tahay xaalad caafimaad daro oo lasoo daristay taa oo keentay in uu awoodi waayo in uu maxkamada hortago.

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa marar badan maxkamad kasoo hor muuqday, waxaana loo heystaa musuq maasuq uu sameeyay intii uu talada hayay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: