Wararka

Midowga Yurub oo diiday qorshaha Trump ee heshiiska qarniga ee Bariga Dhexe…


Midowga Yurub ayaa diiday qorshaha madaxweyne Donald Trump ee loogu magac daray heshiiska qarniga ee Bariga Dhexe.

Madaxa siyaasada arimaha dibada Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in talaabada Mareykanka ay xadgudub ku tahay madax banaanida Falastiin.

Mr Borrell ayaa hadalkan ka sheegay warsaxaafadeed talaadadii uu ka soo saaray magaalada caasimada ah ee Brussels, kadib booqasho uu ku tagay dalalka Iiraan iyo Jordan.

Diblumaasigan ayaa intaa ku daray in Israel si aan sharci aheyn ay isugu balaarineyso daanta galbeed ee dhulka Falastiin iyo buuraha Golan Heights oo dagaal ay ku qabsatay sanadkii 1967-dii.

Trump oo si rasmi ah u aqoonsaday in caasimada Israel ay tahay magaalada Jerusalam oo uu ku yaal masaajidka Qudus ayaa sheegay todobaadkii hore in dhowaan uu dhaqan gali doono heshiiska qarniga Falastiin iyo Israel.

Arintaan ayaa caro xoogan ku abuurtay shacabka iyo madaxda Falastiin.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ururka Jaamacada Carabta uu diiday qorshaha Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10876 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: