Wararka

Golaha Wasiirada Galmudug oo la faray inay shaqadooda sii wataan ilaa laga soo dhiso…


Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxaa la faray inay si deg deg ah ku yimaadaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu Golaha Wasiirada uu ku amray inay soo gaaraan Magaalada Dhuusamareeb.

Amar uu soo saaray Qoorqoor ayaa loogu jeediyay Golaha Wasiirada Galmudug inay si deg deg ahi ku yimaadaan Magaalada Dhuusamareeb, si ay shaqada u sii wadaan, illaa iyo inta uu ka soo magacabayo Golaha Wasiirada cusub.

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya inaanu Madaxweyne Qoorqoor ku deg deggi doonin magacaabidda Golaha Wasiirada, iyadoo uu khilaaf xoogani jiro.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu qorsheynayo inuu wadahadalo la furo dhinacyada ka horyimid tallaabadii loogu soo doortay inuu noqdo Madaxweynaha xigga ee Galmudug.

Marka laga soo taggo doorashooyinka uu Xaaf ka sameeyay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay doorashooyin lagu soo kala doortay laba Madaxweyne.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: