Wararka

M/weyne Geelle oo ku sheegay awoodda al-Shabaab inay ku soo ururtay qarax meel la dhigo…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wax laga weydiiyay kororka la sheegay inuu ku yimid awooddii Al Shabaab ayaa sheegay inaanu isagu qabin inay korortay awoodda ururka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay awoodda Ururka Al Shabaab ku soo uruurtay qarax meel la dhigo iyo inay wax ku weeraraan gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Al Shabaab arkayso dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka Sida iyo horumarada dalka ka jira.

Madaxweyne Geelle oo la hadlay VOA ayaa yiri “Ma qabo inay korortay awoodooda. Cadowgu marka uu duulimaad dalkiisa ku yahay waa mid, marka uu dal kale oo shisheeye uu ku yahayna waa mid kale.”

“2007-dii ayay dagaalkoodu bilaabeen, wadanka Soomaaliyana inuu soo dhismayo way arkayaan, inuu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii xagga amniga ka haystayna way arkayaan, in ciidamadu iminka tababaro wanaagsan qaataana way arkayaan, in laga gacan-sareeyana way arkayaan.”

“Ayagu in wax dagaal ah ay u soo bareeraan aad ayay u yar tahay, laakiin qarax meel la dhigo, baabuur lagu soo xiro walxaha qarxa, waxaas ayay u badan yihiin nimanku.”

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: