Wararka

Maxaad ka ogtahay weerarkii lagu qabsaday Xaramka Makkah 20kii November 1979?…


Barnaamij ka baxay television-ka Al-Jazeera oo la yiraahdo ماخفي اعظم oo toosh ku ifiyey dhacdadii lagu qabsaday Xaramka Makkah 20kii November 1979kii oo labo usbuuc la haystay.

Dhallinyaro ka kala timid dalal ka tirsan addunka oo ay horkacayeen dhallinyaro Sacuudi ah ayaa qabsaday Xaramka Makkah, iyagoo markii salaada subax la tukaday ka qaaday mikroofanka Imaamka Xaramka, kuna dhawaaqay inuu mahdigii soo daahiray, waqtigaasi waxay aheyd waqtiga mowsimka Xajka waxaa gudaha Xaramka ku sugnaa xujaay badan oo lagu qiyaasay 50 kun oo badankood aanan fahmeyn luqada Carabiga ee dadkan ku khudbeynayeen, kadibna waxay ka warheleen qoryo oo lagu dhex heysto gudaha Xaramka, waxay aheyd wax aanan horey loo arag, runtii weyna jahawareereen, waxay codbaahiyaal ka jeedinayeen khudbado lagu weerarayo xukunka al-Sacuud.

Dhacdadaasi oo ka yaabsatay Muslimiinta adduunka oo dhan sida ay ku dhacday in hub sidaa u fara badan loo geliyo Xaramka, waxaa la sheegay qolol hoose inay u ahaayeen bakhaaro gudaha Xaramka, raashin iyo hub ku keydsadeen, waxaa lagu sheegay tiradooda inay aheyd 200-500 oo qof.

Commandoska France

Ciidamada Xaras Watan la yiraahdo ee Sacuudiga ayaa isku dayey inay soo furtaan Xujeyda iyo Xaramkaba, laakin wey u maaro waayeen, xataa waxay ku dayeen inay kula dagaalamaan taangiyo, minaaradaha Xaramka waxaa saarnaa shiishlayaal oo meel fog dadka ka tooganayey, waxaa la dumiyey qaar ka mid minaaradaha Xaramka.

Waxaa markaasi Boqortooyada Boqor ka ahaa Khalid bin Cabdicaziz, waxaa kaaliye u ahaa Fahad bin Cabdiaziz, waxaa la sheegay in carshiga Boqortooyda uu halis galay, si kasta oo ay yeeleen dadkii Xaramka qabsaday wey ka saari waayeen, waxay u baahdeen kaalmo dibada ah, waxay la xiriireen Faransiiska si sir ah si uu arrintan uga furdaamiyo iyadoo aad loo qarinayey, Madaxweynihii Faransiiska waqtigaasi Valery Giscard d’Estaing ayaa ajiibay codsiga Boqortooyada, waxaana loo diray seddax sarkaal oo u dhigmo ciidanka ku wareegsan Xaramka, waxaa hogaaminayey Paul Barril oo markaasi ahaa kabtan iyo labo sarkaal kale oo heystay tababar aad u sareeya, yaqaaneyna sida argagixisada loo jebiyo.

Juhayman

Seddaxdii sarkaal ee Faransiiska aheyd waxay u duuleen Riyadh, kadibna Ta’if iyagoo wata wixii ay ku howlgeli lahaayeen, waxaa loo sharxay meesha sida ay tahay iyo muqadisnimadeeda, markay arrintu arkeen inaanan hub lagu weeraro waxba looga qaadeynin, waxay wadankooda weydiisteen gaaska naqaska qofka ku dhejiya oo u baahda inuu hawo helo oo dibada u baxo, maalmo kadib waxay yimaadeen goobtii la isku hor fadhiyey ee Xaramka, raggii Xaramka ku jiray iyo in badan oo Xujayda ah ayaa galay dhulka hoose si ay uga badbaadaan duqeymaha, wuxuu amray in la duleeliyo dhowr meel oo derbiyada Xaramka ah, halkii ayuu ku buufiyay gaaskii, mid walba oo iyaga ka mid ah naqaskii ayaa ku dhegay, sidaasi ayaana lagu soo qabqabtay, walow dad badan gudaha ay ku dhinteen oo urta meesha la joogi karin.

Arrintan ayaa 40 sano sir aheyd, hadda ayaa sarkaalkaasi Faransiiska ah soo bandhigay, wuxuuna sheegay iyaga oo aan heysan diinta Islaamka inay gudaha u galeen Xaramka, wuxuu kaloo sheegay dadka ku dhintay oo Sacuudiga tiradooda aad u yareeyey inay gaarayeen 3000-5000 Xaaji halkaasi lagu dilay, wuxuu kaloo sheegay in askartii Sacuudiga markay awooda dhinacooda soo martay ay laayeen dad badan, waayo dadkoo dhan isku dhar ayey wateen lama kala garaneyn.

Xirta Juhayman

Hogaamiyaha dhacdadaasi oo magaciisa la oran jiray Juhayman al-Utaybi oo 40 jir ahaa oo ka soo jeeday qabiilka Cuteybiyiinta, kana mid ahaa ciidamada Sacuudiga ayaa u magacaabay Mahdiga nin walaashiis qabay oo la oran jiray Mohamed Abdullah al-Qahtani.

9kii bisha January 1980, waxaa 63 ka mid ah xubnihii qabsaday Xaramka madaxa looga gooyey sideed magaalo oo ka mid ah Sacuudiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: