Wararka

WhatsApp oo dacwad ku furtay NSO iyo Qcyber oo ku tuhmeyso inay basaaseen boqolaal…


Maxkamad Mareykan ah oo ku taal gobolka California ayaa dhagaysan doonta 13-ka bishaan kiis ay soo gudbisay WhatsApp oo ka tirsan shirkada Facebook oo lagu tuhmayo “NSO iyo Qcyber” inay basaaseen boqolaal telefoono oo Mareykanka ah.

Dukumiintiyada kiisaska ayaa muujinaya in “NSO” oo laga leeyahay Israel ay basaaseen 1,400 taleefanka gacanta ee mas’uuliin Mareykan ah, u dhaqdhaqaaqayaal, suxufiyiin, qareenno, iyo garsoorayaal.

Dukumiintiyada maxkamadda ayaa waxaa ka mid ah warbixinnada New York Times, oo Sacuudiga ku eedeeysay inay isku dayeen inay basaasaan mid ka mid ah wariyeyaasheeda, iyagoo adeegsanaya teknolojiyadda shirkadda Israel.

Shirkadda ‘FTi Consulting’ oo wakiil ka ah Jeff Bezos oo ah milkiilaha jariidada The Washington Post, ayaa sheegtay in laga yaabo in shirkadda Israel ay soo bandhigtay barnaamij loo adeegsaday jabsiga taleefanka Bezos kadib markii uu ka helay fiidiyoow dhinaca WhatsApp-ka oo khuseeya dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Qof ay su’aalo weydiiyeen FBI-da ayaa sheegay in baaritaanka uu billowday sanadkii 2017 markii ay hay’addu isku dayday inay ogaato bal in NSO ay ka heshay haakariska Mareykanka tusmo ay u baahan yihiin si ay u jabsadaan taleefanada casriga ah.

Laba kale ayaa sidoo kale sheegay in FBI-da ay wareysiyo dheeri ah la yeelatay khubarada waaxda tikniyoolajiyada kadib markii Facebook ay dacwad u gudbiyeen bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, iyaga oo ku eedeeyay shirkadda Israel inay ka faa’iideysaneyso cilad dhanka WhatsApp-ka ah si ay u jabsato xisaabaadka boqolaal isticmaale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10616 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: