Wararka

Askarigii dadka ku laayey Thailand oo ugu dambeyntii howlgal saacado socday lagu dilay…


AskarigIi dadka badan ku laayey magaalada Nakhon Ratchasima ee dalka Thailand ayaa la sheegay in ugu dambeyn la dilay ka dib howlgal saacado badan socday.

Jakraphanth Thomma ayaa sabtida dilay 20 qof iyadoo hubka uu weerarka ku geystay la sheegay inuu ka soo xaday xero militari.

Ninkan weerarka geystay oo farriimo ku aadddan weerarka uu geystay soo dhigay baraha bulshada ayaan weli la garan sababta weerarkaasi uu u geystay, iyadoo wasaaradda gaashaandhigga dalkaas ay ku tilmaantay inuu u ekaa qof dhimirka looga jiro.

Wasiirka cafimaadka dalkaasi, Anutin Charnvirakul, ayaa bartiisa twitterka soo dhigay subaxnimadan Axadda qoraal uu ku bogaadinayo ciidamada ammaanka.

”Waad ku mahadsantihiin booliska iyo milatariga sida aad u soo afjarteen xaaladda. ninkii wax laayeyna waa la toogtay!!!” ayuu yiri wasiirka.

Tirada dhimashada ayaa hadda taagan 20 qof halka dhaawacana uu yahay 42 kale sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka Thaliand.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: