Wararka

Goodax oo ka jawaabay arday reer P/land oo cabasho ka muujiyey shahaado la’aanta heysata…


Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax-Barre u jawaabey qaar ka mid ah ardayda deegaannada Puntland oo cabasho ka muujiyey shahaado la’aanta heysata.

Ardaydan oo wax ka barta Bosaso ayaa dalbaday inaan la siyaasadeyn shahaadadooda, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay galaan Imtixaanka dowladda.

Wasiir Goodax ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada heysata ardayda Puntland oo uu sheegay inuu sabab u yahay maamulka halkaasi ka jira.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si uu u helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka ayuu yiri”Wasiir Goodax Barre.

Khilaafka dhinaca Waxbaarshada ee u dhaxeeya Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland ayaa ah mid weli taagan, waxaana aad u yar rajada laga qabo in ardayda Puntland ay helaan shahaadada dugsiga Sare marka la eego sida labada dhinac ay mowqifkooda ugu dhegan yihiin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10897 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: