Wararka

Kenya oo ka jawaabtay warkii Amnesty International oo ahaa in Janan loo gacan geliyo Somalia…


Kenya ayaa markii ugu horeysay jawaab ka bixisay warkii kasoo yeeray Hay’adda Amnesty International kaasoo ahaa in Dowlada Soomaaliya loo gacan galiyo Cabdirashiid Janan oo ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa Wargeyska Daily Nation u sheegay in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan uu kasoo galay Mandera dhinaca Belad Xaawo isagoo Kenya ku galay qaxootinimo.

Xoghayaha Wasaarada Arimaha Dibada Kenya Macharia Kamau ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay arintani ka falcelin karaan balse waxaa uu sheegay in Kenya aysan laheyn go’aaminta sida laga yeelayo Janan.

Xiriirka labada dowladood ee Somalia iyo Kenya oo markii horaba aan wanaagsaneyn ayaa mar kale sii xumaanaya ka dib markii Kenya uu tagay C/rashiid Janan oo baxsad ka ah dowlada Soomaaliya.

C/rashiid Janan oo deggan hotel ku yaal degmada Mandhera oo ku dhow xadka Somalia iyadoo hay’adaha Kenya ay la wareegeen Amaankiisa sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: