Wararka

M/weynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna oo warbixin ka dhageystay saraakiil ka tirsan…


Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna ayaa Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Saraakiisha Ciidmaada kaga mahadceliyay sida ay ugu hawlan yihiin suggida amniga iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanka.

Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ku ammaanay, sida ay uga shaqeeyeen hawlaha nabadgelyada la xiriirta, mudadii ay doorashooyinka ka socdeen Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu warbixino ku aadana arrimaha amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha Ciidamada faray inay sii wadaan hawlaha shaqo ee ay u hayaan dadka reer Galmudug.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: