Wararka

M/weynaha Somalia oo la filayo inuu ka qeyb galo shir madaxeedkii 33aad ee Midowga Afrika…


Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in maanta magaalada Addis Ababa uu uga qeybgalo shir-madaxeedkii 33-aad ee Madaxda Dowladaha dalalka ku mideysan Midowga Afrika oo Maanta ka furmaya Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah -9-10-ka bishan Febaraayo- ayaa lagaga arrinsanaya dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda, xoojinta arrimaha nabadda iyo amniga ee dalalka Midowga iyo doorashada Madaxweynaha cusub ee Midowga Africa sannadka 2020-ka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda heer qaaradeed, mas’uuliyiinta sarsare iyo hoggaanka Hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ee ee ka soo qeyb galaya Meertada 33-aad ee Midowga Africa.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: