Wararka

Labo dumar ah oo ku dagaalamay gudaha Masjidka Tawfiiq oo midi qaniinyo farta looga jaray….


Dagaal gacan-ka-hadal ah oo shalay gelinkii dambe labo dumar ah ku dhex maray gudaha Masjidka Soomaalida ee Tawfiiq ayaa sababay in mid ka mid ah Haweenkaasi qaniinyo farta looga jaro.

Labada Haween ee dirirtay ayaa da’dooda lagu kala sheegay 30-jir iyo 50-jir, waxaana qaniinyada farta looga jaray haweeneyda 30 jirka ah, sida ay xaqiijiyeen booliska oo goobta loogu yeeray.

Sarkaalka hoggaaminayay booliska goobta gaaray oo lagu magacaabo Christian Krohn Engeseth ayaa sheegay in Haweeneyda loo qaaday xarunta caafimaadka ee Legevakt-ha loo yaqaan ee ku taal bartamaha magaalada Oslo.

Booliska ayaa qabtay oo dambiga dusha ka saaray Haweeneyda 50-jirka ah, waxaana lagu eedeeyay in ay dhaawac u geysatay jirka ruux kale.

Farta Haweeneyda laga jaray ayaa dhulka laga soo qaaday, waxaana laga daba-geeyay haweeneyda dhakhtarka loo qaaday, balse wali ma cadda in dib loogu rakibi karo iyo in kale.

Wali lama oga xiriirka ka dhexeeyay labadan dumar ee dirirtay iyo waxa ay isku qabteen, balse booliska ayaa wada baaritaan iyo xog-wareysiyo markhaatiyaal oo dhacdadan ku aadan.

Arrintan ayaa dhacday shalay oo Axad aheyd, abbaarihii shanta iyo barka galabnimo, waana xilliga lagu wargeliyay booliska.

Xilliga uu dagaalka dhacayay Masjidka ayaa ahaa mid ay dad badani joogeen, maadaama ay Axad aheyd.

Booliska ayaa sheegay in goobta uu dagaalku ka dhacay ay ku xirantahay kaamiro, ayna ogyihiin waxa uu dagaalka salka ku hayo, balse eysan dooneyn in ay iminka warbaahinta u sheegaan.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa Masjidkan Tawfiiq ka taagnaa is-qab-qabsi dhanka maamulka ah oo ay ugu dambeyn si khasab ah ku xallisay dowladda Norway iyadoona xilka guddoonka u magacowday si kumeel-gaar ah mid ka mid ah labadii garab ee dhanka maamulka isku haystay markii ay ku heshiin waayeen muddo loo qabtay.

Ma cadda wali in dagaalkan uu xiriir la leeyahay is-qab-qabsiga Masjidka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: