Wararka

Axmed Qoor Qoor iyo Cali Daahir oo shir guddoomiyey shirka golaha wasiirada Galmudug…


Madaxwaynaha cusub ee Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada maamul goboleedka Galmudug,

Shirka golaha Wasiirada ayaa looga hadlay xaalada ay mareyso Galmudug iyo tilaabooyinka loo baahanyahay in horay loo qaado sida Arimaha Amniga iyo adeegyada kale ee loo baahan yahay in lagu hormariyo maamulka Galmudug.

Qaar kamid ah Wasiirada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan waxyaabaha u qabsoomay, waxa ay sidoo kale Madaxweynaha Galmudug iyo kuigeenkiisa warbixin ka siiyeen sida ay u shaqeeyaan Wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa faray golaha Wasiirada Galmudug in ay sii xoojiyaan shaqadooda, waxa uuna xusay in gaabsi mudooyinkii dambe ku jireen shaqada Wasaaradaha balse hada loo baahan yahay in la dardargaliyo.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ay yeeshaan golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug tan iyo waxii ka dambeeyay markii hogaanka cusub ee Galmudug lagu doortay magaalada Dhuusomareeb.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: