Wararka

Fariisimaha ciidanka Turkiga kaga sugan yahay Idlib oo la weeraray oo shan askari laga dilay…


Shan askari oo ka tirsanaa ciidanka Turkiga ayaa lagu dilay weeraro ay milatariga Suuriya ku qaadeen fariisimaha ay kaga sugan yihiin gobolka Idlib.

Wasaarada difaaca Ankara ayaa xaqiijisay in madaafiic hoobiyeyaal ah loo adeegsaday weerarka lagu soo qaaday ciidanka Turkiga, ayna jirto dhaawacyo ka dhashay weerarkan.

Waxay madaafiic la beegsadeen xarumaheena, ciidankayagana waxay ka bixiyeen jawaab celin buuxda ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed.

Dowlada Turkiga ayaa dhanka kale sheegtay in ciidankeeda ku sugan gobolka Idlib ee dhanka xadka u dhow ay ka shqeynayaan xaqiijinta amaanka, ka hortaga tahriibka iyo sidii loo caawin lahaa shacabka Suuriya ee ku barakacay Colaada.

Sargaal u hadlay milatariga Turkiga ayaa sheegay in ay beegsadeen 115 saldhig oo ay ku sugan yihiin milatariga Suuriya, ayna ku dileen 101 Askari.

Wasaarada difaaca Turkiga ayaa fal celintaan ku tilmaantay isdifaacid waafaqsan shuruucda Caalamiga.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8862 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: