Wararka

Kacdoon lagu diidan yahay maleeshiyada uu wato Janan oo laga abaabulayo Mandera…


Shacabka ku dhaqan magaalada Mandera ayaa qaban qaabinaya kacdoon ka dhan ah maleeshiyada uu wato wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Janan oo todobaad ka hor dowlada dhexe ay xaqiijisay in uu ka baxsaday xabsi ku yaal magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Kenya.

Mas’uulkan ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dabada ka riixaya duulaan uu doonayo in uu kula wareego magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Dagaal u dhaxeeyay maleeshiyada Janan iyo ciidanka dowlada oo ka dhacay magaalada ayaa maalintii shalay waxaa ku dhintay dhowr qof oo ka mid ahaa shacabka magaalada Balad Xaawo.

Balad xaawo iyo Mandera oo ah laba magaalo oo ku yaal xuduudka u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ayaa wadaaga dhinacyo badan, sida ganacsiga iyo Waxbarashada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: