Wararka

Sheekh Shaakir oo Dhuusamareeb kula kulmay qaar ka mid ah wasiiradii hore ee Galmudug…


Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlu-Sunna Sheekh Shaakir Ali Hassan ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Wasiirada Galmudug ee xiligoodu dhamaaday.

Sheekh Shaakir iyo wasiirada ayaa ka wada hadley arimo ay ka mid yihiin, sidii loo dardar galin lahaa howlahii Shaqo ee Wasaaradaha Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Arimaha Horumarinta Galmudug.

Faahfaahin intaas ka badan lagama bixin kulankan dhexmaray labada dhinac oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb.

Galmudug ayaa haatan leh saddex Madaxweyne, waxaana guuldareystay dedaal muddo badan socday oo DF ku dooneysay iney maamul mideysan u dhisto reer Galmudug.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10897 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: