Wararka

Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qaabilay Safiirka Mareykanka ee Somalia iyo Taliyaha Africom…


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend.

Danjiraha iyo Madaxweynahu ugu horayn waxaa ay ka wada hadleen Xaalada ka taagan Gobolka Gedo iyo duulaanka gardarada ah ee Dowlada Federaalka ah ay ku qaaday deegaano nabdoon kuwaas oo tan iyo xiliga Dowladu ay halkaas Weerarka ku qaaday ay ka jirtay Xaalada adag waxaana la isku raacay in Dowladu ay halkaas kala baxdo Ciidamada ay gaysay kuwaas oo kala dhantaalay nidaamkii Maamul ee halkaas ka jiray sidoo kalana khalkhal amni daro ka abuuray Gobolka Gedo.

MadoobeYamamoto1

Waxaa kale oo kulankan diirada lagu saaray sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowlada Federaalka ah waxaana la isku raacay in ay muhiim tahay in xal laga gaaro Khilaafkaas mudada ragaadiyay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Dhinaca kale kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha howlgalka Africom Gen. Stephen J. Townsend waxaa lagaga hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgal midaysan oo Al-Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbaland howlgalkaas oo si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM oo ay tageerayaan Ciidamada howlgalka Africom ee Maraykanka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili maanta ay dagaalo ka dhaceen magaalada Kismaayo, kuwaasoo dhexmaray ciidamada kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar oo mid walba uu sheegto inuu yahay madaxweynaha Jubbaland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10875 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: