Wararka

Chelsea oo ka kor qaaday saxiixa xiddiga Ajax Hakim Ziyech kooxaha ManUtd iyo Arsenal…


Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka kor qaaday kooxaha ay xafiiltamaan ee Manchester United iyo Arsenal tartanka loogu jiray saxiixa xiddiga Ajax Hakim Ziyech.

Wargeyska De Telegraaf ayaa sheeganeysa in Blues ay heshiis afka ah la gaartay xiddiga weerarka ka ciyaara ee reer Morocco si uu ugu wareego xagaagan heshiis gaaraya 38 milyan oo ginni.

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay xiddiga kooxda Ajax Hakim Ziyech.

Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Frank Lampard uu ku amray madaxda Stamford Bridge inay heshiis la gaaraan 26 jirka dhamaadka xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ku guuldareystay suuqa kala iibsiga bishii Janaayo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8862 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: