Wararka

Haweenay la sheegay inay jirkeeda ka ganacsan jirtay oo jinaaso lagu tukaday oo dood ka…


Dadka u dooda xuquuqda aadanaha ee waddanka Bangladesh ayaa soo dhaweeyay janaasadii ugu horreysay ee abid waddankaas loogu tukado meydka qof jirkiisa ka ganacsan jiray, iyadoo halkaasna ay ku burburtay dood muddo dheer ka taagneyd waddankaas ay Muslimiinta ku badan yihiin.

Hamida Begum, oo ka shaqeyn jirtay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn adduunka ee dumarka jirkooda uga ganacsadaan, ayaa xanuun u geeriyootay isbuucii lasoo dhaafay, iyadoo 65 jir ah.

Tiro dad ah ayaa isugu tagay qabrigeeda, si ay goob joog ugu noqdaan janaasada lagu tukaday ee taariikhda ka gashay waddankaas.

Sharciga waddanka Bangladesh wuxuu oggolyahay howlaha la xiriira in haweenka ay jirkooda ka ganacsadaan, laakiin culumada diinta islaamka ee dalkaas ayaa horay u diiday in qof noocaas ah meydkiisa janaaso lagu tukado.

Xitaa waxaa dadka jirkooda ka ganacsada lagu aasaa qabuuro aan calaamadeysneyn, iyagoo aan wax duco ahna loo sameynin, ama la waafajinin dhaqamada kale ee ka jira dalka.

Begum qudheeda way fileysay in jidkaas oo kale ay mari doono, laakiin inta aysan dhimanin ka hor ayey isbahaysi ka kooban haweenka jirkooda ka ganacsada booliska ka codsadeen inay hoggaamiyeyaasha diinta ku qanciyaan in si fiican loo aaso.

“Imaamka wuxuu markii hore laba labeynayay inuu tujiyo salaadda janaasada, kumana uusan qanacsaneyn”, ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Ashiqur Rahman, mar uu la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

“Laakiin imaamka waxaan weydiinnay in Islaamka uu qof ka mamnuucayo in meyd lagu tukado Janaaso, haddii xitaa uu ahaa qof jirkiisa ka ganacsada, wax jawaab ahna nama uusan siinin”, ayuu yiri.

Sarkaalkan wuxuu kormeer ka ahaa heshiiska ku saabsan in haweeneydaas aaskeeda uu ka duwanaado dadkii iyada la midka ahaa ee horay u geeriyooday.

Sidaas awgeed, aas diimeed ayaa haweeneyda loo sameeyay maalintii Khamiista ahayd ee lasoo dhaafay.

Rahman wuxuu sheegay in aaska ay kasoo qeyb galeen dad kor u dhaafaya 200 oo ruux, halka in ka badan 400 oo qofna ay tageen tacsideeda iyo ducadii loo sameynayay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: