Wararka

Kulan looga hadlayo maqaamka Mogadishu oo ka furmay magaalada Mogadishu…


Kulan Wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka ee XFS loogana hadlayo Maqaamka Muqdisho ayaa ka furmay yo kaalinta kaga aadan dib-u-eegista Dastuurka Qaranka ayaa ka furmay magaalada Muqdisho

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalaya Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish, Guddoomiye ku-xigeennada maamulka gobolka Banaadir, qaar ka mid ah Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Filish oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caasimadda.

“Magaalada Muqdisho waxaa ku nool dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadeed waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib u dhiska Caasimadda iyo in magaalada ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii laheyd”.

Wasiirka Wasaarada arimaha Gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxaa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.

“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.

“Ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caasimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: