Wararka

Deni oo Bosaso ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika Gen. Stephen Townsend…


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Bosaso ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Afrika (Africom) Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo.

Madaxweynaha iyo Taliyaha Africom Gen. Stephen Townsend waxay ka wada hadleen Ammaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Gen. Stephen Townsend, ayaa maalintii shalay booqasho midaan lamid ah ku tagay magaalada Kismaayo, isagoo la kulmay madaxweynaha Jubbaland.

Booqashada taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu Maraykanku sheegay inuu dib u bilaabayo taageeradii tooska ahayd ee xagga amniga.

Maraykanka ayaa taageero dhaqaale siiya ciidanka PSF-ta Puntland oo waajibaadkooda ugu weyn uu yahay la dagaalanka argigxisisada.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: