Wararka

Guardiola oo saadaaliyey inuu weyn karo shaqadiisa haddii uusan ku guuleysan Champions League…


Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay in shaqadiisa kooxda ka dhisan Premier League ay seef afkeeda saaran tahay hadii ay ku guuldareystaan ​​hanashada Champions League xilli ciyaareedkan.

City waxay ku guuleysatay shan koob oo waa weyn tan iyo markii Guardiola la wareegay 2016 – oo ay ku jiraan labo horyaal oo Premier League ah iyo seddex koob oo taariikhi ah oo sanadkii hore ay ku wada guuleysteen – laakiin waligood kama soo gudbin wareega quarter-finalka Champions League tan iyo imaanshiyaha tababarahan reer Spain.

Real Madrid ayaa sugeysa wareega 16ka xilli ciyaareedkaan, iyadoo lugta hore la ciyaari doono dhamaadka bishaan, waxaana Guardiola uu sheegay inuu doonayo inuu gacmihiisa ku qabto koobka oo ugu dambeeyey waqtigii uu kula guuleystay Barcelona 2011.

“Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto Champions League” ayuu Guardiola u sheegay Sky Sports. Waan ku riyoodaa (waana ku riyaaqayaa) waxaana ku raaxeysanayaa u diyaar garowga kulamada Madrid … howshan, laba usbuuc ka hor, waxay noqon doontaa daqiiqadihii ugu farxadda badnaa ee xirfaddeyda, inaan qiyaaso waxaan sameyn karno si aan u garaacno.

“Hadaanan ka badin, waa hagaag, waxaa iman doonta gudoomiyaha ama agaasimaha isboortiga oo dhaha ‘ma fiicna, waxaan dooneynaa Champions League, waan ku eryi doonaa’.

“(Waxaan dhihi lahaa) ‘ok, mahadsanid, waxay ii ahayd wax lagu farxo’. Ma aqaan (haddii taasi dhici laheyd). horey wey u dhacday marar badan oo waa dhici kartaa.”

Rajada City ee ku guuleysiga hanashada Premier League markii seddexaad oo isku xigta ayaa hoos u dhacday isbuucyadii u danbeyay iyadoo kooxda hogaanka heysa ee Liverpool ay 22 dhibcood ka sareyso.

Guardiola, si kastaba ha ahaatee, uma malaynayo in xilli ciyaareedkoodu ahaa guul-darro dhammaystiran.

“Waxaad dhahdaa xilli ciyaareedku wuxuu ahaa musiibo laakiin hadii aad ku guuleysato Champions League waxay noqon doontaa wax aan caadi aheyn. Waayo? Wey adag tahay inaad ku guuleysato”.

“Haddii aadan sidaas sameyn, waxaan dhihi karnaa in ka badan 100 sano oo taariikhda ah (waxaa jiray) 100 xilli ciyaareed oo guuldarro ah oo soo gaartay Manchester City. Taasina run ma ahan.”

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8862 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: