Wararka

Bangiga adduunka iyo IMF oo qiray in Somalia ay ku guuleysatay imtixaankii deymo nadiifinta…


Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii bishaan ayey uga doodeen dukumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan

Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda FS ee lagu hagaajinayo xiriirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee lagu leeyahay

Kulamadii guddiga sare ee IMF ay yeesheen February 12, 2020, Kristalina Georgieva, oo ah agaasimaha maamulka IMF ayaa caddeysay in Soomaaliya ay kasoo baxday imtixaankii ayna u qalanto in daynta laga cafiyo.

Madaxweynaha kooxda Baniga adduunka, David Malpass ayaa kadib kulanka guddiga sare ee Baniga adduunka ee maanta dhacay waxuu sheegay in maanta tillaabo wanaagsan loo qaaday in Soomaaliya ay dib u anbaqaado in maaliyad ay ka hesho hey’adaha maaliyadda caalamka, waxuuna Soomaaliya ugu hambalyeeyay dib-u-habeynta ay sameysay, isaga oo u mahad celiyay saaxiibada caalamka ee gacanta ka geystay guusha la gaaray

Bangiga Addunka iyo IMF ayaa qiray in iyada oo ay jiraan caqabado waaweyn oo ku hor gudbanaa in horumar laga sameeyo dadaallada socday, ay Soomaaliya ku guuleysatay imtixiinkii xilliga dheer ay ugu jirtay nadiifinta deymaha lagu leeyahay, waxayna isku raaceen inay Soomaaliya si guul ah ku gaareyso barta go’aan gaaridda ee dhamaadka bisha Maarso ee 2020.

Waxay caddeeyeen in gaaridda barta go’aanka ay u baahantahay wadashaqeyn gudaha ah, taageero ka timaada saaxiibada Soomaaliya iyo dhinacyada deymaha ku leh dalka oo si wadajir ah uga qayb qaata.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: