Wararka

Hogaamiyaha ruuxiga ee Ahlu-Sunna oo sheegay in Dhuusamareeb loo gacan geliyey…


Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo degmada Dhuusa-Mareeb kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaasha Ahlu Sunna ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ay ku qasbanaan doonaan sida uu hadalka u dhigay in ay hubkooda qaataan.

Macalin Maxamuud ayaa sheegay in dhaqamada sida uu hadalka u dhigay hadda ka muuqda qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug gaar ahaan degmada Dhuusa-Mareeb yihiin kuwo aan horay looga barran oo uu ku fasiray ”Fasaad” sidaa daraadeed ay ku qasbanaan doonaan in ay suuliyaan.
“Intii aan fasaadka soo dhaweysan lahayn waxaan geleynaa haddii Alle yiraahdo in hubkeena aan soo dhaweysaneyno, ruux muslim ah ku dhibi meyno, dowlad ku dhibi meyno laakin Ruux reer fasahaad ah waan ku dhibeynaa ayuu yiri Macalin Maxamuud Sheekh Xassan.

Waxaa uu sheegay dhinaca kale in qaraxii maalin ka hor ka dhacay degmada Dhuusa-Mareeb uu muujinayo in degmada gacanta loo galiyay Al-shabaab, madaama horay amaanka degmada uu u hagaagsana.

”Qaraxa Dhuusa-Mareeb ka dhacay waxaa uu muujinayaa in degmada Gacanta loo galiyay Al-shabaab, ruuxa noocaasi noqon kara ee garran waayay dad aan Gaadiid naga rabin, Xoolo naga rabin wax kale oo ay naga rabaan aysan jirin sabab aan u weerarno ma garaneyno qofkii garran waayay qof xishoonaya ma’aha ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa muuqata in uu sii xoogeysanayo khilaafka ka dhaxeeya wali hoggaanka sare ee Ururka Ahlu Sunna Waljameeca iyo Dowladda Dhexe ee Federaalka iyadoo Dhuusa-Mareeb ay ku wada sugan yihiin labo garab oo iska soo horjeeda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: