Wararka

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka oo Badda Carbeed ku qabtay doon ku rarnaa hub…


Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ciidamadooda badda ay la wareegeen doon ku rarnaa hub Iran laga leeyahay ee Badda Carbeed, 9-kii Febraayo.

Taliska dhexe ma uusan cadeynin aqoonsiga iyo halka ay doontu ay wajahneyd, laakiin wuxuu bayaan ku cadeeyay in hubka intiisa badan oo ay la wareegeen ay la mid yihiin kuwii lagu qabtay Badda Carbeed bishii November ee la soo dhaafay, isla markaana loogu talagay Xuutiyiinta Yemen.

Waxay intaas ku dartay in hubka lala wareegey ay ka mid yihiin 150 gantaal oo Iran lagu sameeyay oo ka hor taga taangiyada, iyo sidoo kale seddex gantaal oo dhulka hawada sare ah, qalabka diyaaradaha duuliyaha laheyn iyo doomanka is wada iyo rasaas, iyo qalab ka mid ah hub aad u horumarsan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in hubku wali uu ku jiro gacanta ciidamada Mareykanka, iyadoo xaaladdooda ugu dambeysa dib loo qiimeyn doono goor dambe.

Taliska Dhexe wuxuu sii daayay muuqaal fiidiyow madow iyo caddaan ah waxa uu ku sheegay faahfaahinta howlgalka ciidamada badda.

Gabagabadii, bayaanku wuxuu cadeeyay in howshu ay sii soconayso macluumaad dheeri ahna la wadaagi doono marka la helo.

Waxaa xusid mudan in Iran ay si isdaba joog ah u beenisay eedeymaha Mareykanka ee ah in ay siinayaan Xuutiyiinta Yemen gantaalo iyo drones, halka Xuutiyiintu ay sheegeen in gantaaladooda ballistika iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu farsamadeeyey warshado maxalli ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10588 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: