Wararka

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka oo Twitter-ada Trump ku tilmaamay kuwo dhaawac ku…


Xoghayaha cadaaladda ee Mareykanka William Barr ayaa sheegay in Twitter-da madaxweyne Donald Trump ay suurta gal ka dhigtay in uu gudan waayo waajibaadkiisa ka wasiirka cadaaladda ahaan, waxa uuna codsaday in uu joojiyo qorista Twitter-da khuseeya la tacaamulka kiisaska maxkamada hor yaalla.

Wareysigii Khamiista ee uu siiyay shabakada ABC ayaa Barr wuxuu raaciyay in weerarka madaxweynaha ee kooxdii dacwad oogista ee kiiska Roger Stone – oo ah saaxiib aad ugu dhow Trump – uu dhaawac ku yahay nidaamka garsoorka iyo waaxda cadaaladda.

Wuxuu tilmaamay in qofna uusan ka aqbali doonin xoogsheegashada oo isku dayo inuu saameyn ku yeesho, ha ahaado Congress-ka, saxaafadda, ama madaxweynaha.

Iyadoo ka faalloonaysa hadalada xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Stephanie Grisham, af hayeenka Aqalka Cad, waxay sheegtay in Madaxweyne Trump uu kalsooni buuxda ku qabo Xeer Ilaaliyaha Guud William Barr inuu qabto shaqadiisa isla markaana xoojiyo xukunka sharciga.

Grisham waxay ku raacisay warsaxaafadeed ay soo saartay, in Madaxweynaha uusan wax dhib ah kala kulmin hadalada Wasiirka Cadaaladda oo xaq u leh – sida muwaadin kasta oo Mareykan ah – inuu fikradihiisa si cad u muujiyo.

Dhinica kale, Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka Mitch McConnell ayaa u sheegay Fox News in “haddii wasiirka cadaaladda uu yiraahdo” (Twitter-da Trump) waxay caqabad ku yihiin waxqabadka shaqadiisa, madaxweynaha waa inuu dhagaystaa wasiirka cadaaladda. ”

Faallooyinka ayaa yimid iyadoo Barr si weyn loo dhaleeceeyey ka dib markii uu ku lug yeeshay kiiska Trump kaaliyihiisii hore Roger Stone, kaasoo lagu helay toddobo eedeymood, oo ay ka mid tahay inuu been u sheegay Congress-ka. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku taliyeen in lix ilaa sagaal sano la xiro.

Kadib caro ka timid Trump, taas oo uu ku dhalleeceeyay soo jeedinta asalka ah ee xukunka sagaalka sano oo xabsi ah oo lagu xukumay Stone oo ku tilmaamay inay tahay mid adag oo qalafsan, wasaaradda ayaa baabi’isay xukunkii xeer ilaalinta waxayna codsatay “xukun aad u hooseeya” oo xabsi ah, taas oo ku kalliftay afarta xeer-ilaaliye inay iska casilaan kiiskan, taasi oo ah mudaaharaad cad.

Hadalka Wasiir Barr ayaa la filayaa inuu dhibaato ka abuuro Washington, lamana yaqaan waxa jawaabta Trump ay noqon doonto inkasta oo hadalka afayeenka Aqalka Cad oo ku tilmaantay in arrintu ay raaceyso qaab dhismeedka xorriyada hadalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8811 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: