Wararka

Midowga Yurub oo bilaabay mashruuc lagu taageerayo waxbarashada Somalia oo…


Midowga Yurub ayaa bilaabay mashruuc lagu taageerayo Wasaarada Waxbarashada ee Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka iyo sidii loo gaarsiin lahaa waxbarasho tayo leh oo loo dhan yahay oo loogu talagalay dadka, mashruucan ayaa loogu talagalay 5,7 milyan Euro..

Mashruucan waxaa lagu bartilmaameedsanayaa xoojinta awoodda maamulka waxbarashada si loo maareeyo loona habeeyo waaxyaha, iyadoo la fududeynayo wadashaqeynta lala yeelanayo qaybaha kale ee ay khuseyso.

Tusaale ahaan, waxay higsaneysaa is waafajinta siyaasadaha waxbarashada, hirgelinta qaab dhismeedka manhajka cusub, xoojinta hubinta tayada iyo nidaamyada heerarka, iyo sidoo kale hagaajinta imtixaannada iyo qiimeynta guud ahaan dalka.

“Taageeradani waxay muujineysaa sida joogtada ah ee Midowga Yurub uga go’an tahay soo kabashada Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxay calaamad u tahay isbedel ku wajahan sii jiritaanka iyo hoggaaminta. Waxaan bogaadineynaa iskaashiga u dhexeeya mas’uuliyiinta waxbarashada iyo sida ay uga go’antahay inay si tartiib tartiib ah ugu maareeyaan adeegyada waxbarashada qaab isku mid ah,” ayuu yiri H.E. Nicolas Berlanga Martinez, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wasiirka waxbarashada ee dowladda federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, wuxuu yiri: “Dalkeennu wuxuu leeyahay awood iyo dad aad u wanaagsan. Waxaan ku faraxsanahay mashruucan waayo waxay naga caawin doontaa inaan sii horumarinno fursadaha waxbarasho ee dalka.”

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, Hirshabelle, Galmudug, Jubbaland iyo sidoo kale agaasimaha waxbarashada ee maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay daah-furka mashruucan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (8862 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: