Wararka

Nin Soomaali ah oo iska dhigay haweenay oo lagu qabtay garoonka Ankara isagoo ka dhoofaya…


Ciidamada amaanka ee ka howlgala garoonka diyaardaha Esenboğa ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo iska soo dhigey haweeney xili uu ka dhoofayay garoonka.

Ninkan Soomaaliga ah oo magaciisa lagu soo koobay Ibrahim M. ayaa la qabtay xili uu kusii jeeday dalka Ingiriiska, waxa uuna ninkan watay baasaboorka gabar Soomaali ah oo muuqaal ahaan isku ekeysiiyay.

Isagii

Ninkan iska soo dhigay gabadha ayaa xirnaa dharka ay dumarka xirtaan sida goono, madaxana u saarnaa qamaar, waxa uu sidoo kale xirnaa jaakad, ninkan ayaana sidoo kale wajiga soo marsaday waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan.

Sida ay ku warameen Warbaahinta Turkiga ninkan Soomaaliga ah ayaa laga shakiyay markii la qabtay, waxaana lagu amray in uu qamaarka iska qaado sidoo kale iska tiro Make Up Wajiga u marsanaa.

Isagii1

Laamaha amaanka ayaa sidoo kale soo xiray gabadha baasaboorka laheyd oo magaceeda lagu sheegay Khadiija xili ay dooneysay in ay ka baxdo garoonka, waxaana labadan ruux ku jiraan xabsi kuyaala Ankara iyadoona booliiska baaritanao ku hayaan kiiskooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: