Wararka

Bukaan beer abuur ah oo si farsameysan uga qaraaban jiray gudaha isbitaalada oo lagu qabtay…


Si kedis ah  oo aan la fileynin ayaa mas’uuliyiinta Jarmalka u horseeday in la soo xiro “bukaan been abuur ah” oo hadba sheeganaya cudur “si uu ugu shaqeeysto gudaha isbitaalada tuugnimo. Wuxuuna u dhaxeeyey oo ka qaraaban jiray dhowr magaalo ilaa markii dambe lagu kashifay magaalada Dusseldorf.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday wargayska ‘Bild’ ninkan 41-jirka ah, ayaa sheegtey cudur oo ku galay aqoonsi been abuur ah isbitaal ka mid ah isbitaalada ku yaal magaalada Dusseldorf.

Si ku tala gal aheyn ayaa shaqaale ka mid ah kuwa ka shaqeeya isbitaalka ka shakisay aqoonsiga been abuurka ah oo qof kale horey u adeegsaday, waxayna ku wargelisay booliska oo halkaasi ka xiray, waxana la kashifay aqoonsigiisa saxda ah iyadoo la adeegsadanayo farihiisa.

Arintu halkaasi kuma aysan joogsan, booliisku waxay ogaadeen in tuuggan looga soo saaray amar lagu soo xiro magaalooyinka Hamburg iyo Erlangen isla eedayntaas.

Baaritaankii hore wuxuu shaaca ka qaaday haysashada “bukaanka been abuurka ah” aaladda “e-Reader” (e-buug akhristaha) oo lahaa bukaan horey ugu weheliyey qolka isbitaalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: