Wararka

Hurdada nasashada maalintii oo lagu sheegay inay leedahay faa’idooyin caafimaad oo weyn…


Khabiir Jarmal ah oo la yiraahdo Hans Gunter Weiß ayaa sheegay in hurdada sida nasashada oo kale ah maalintii ay leedahay faa’iidooyin badan oo caafimaad, waxay saameyn fiican ku leedahay nidaamka wadnaha, waxay ka caawiyaan dib-u-cusboonaysiinta muhiimadda iyo tamarta, kordhinta awoodda diirada waxa aad saareyso iyo hagaajinta waxqabadka xusuusta.

Baaraha ayaa intaa ku daray hurdada faa’idada leh oo caafimadka wadato waa ineysan ka badneyn 20 ilaa 30 daqiiqado, haddii kale waxay horseedi kartaa natiijooyin aan fiicneyn, maadaama hurdada oo ka dheer intaasi ay horseedayso galaangalka loo yaqaan hurdada dhaqdhaqaaqa indhaha “REM ( Rapid eye movement sleep) ama marxalada riyada degdega ah.

Markii qofka uu soo tooso marxaladan ka dib, qofku wuxuu la il daran yahay xasillooni darro, jahwareer iyo diirad xumo iyo caajis, oo waxay ku qaadataa waqti dheer sidii uu dib ugu soo ceshan lahaa hawshiisa ama firfircoonidiisa oo uu diiradda u saari lahaa mar kale.

Sidoo kale, hurdada maalintii oo ka badan 20 daqiiqo – ayaa sidoo kale sabab u noqota inaad kala kulantid dhibaatooyin hurdada habeenkii.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: