Wararka

Atletico Madrid oo ka heshay guul qaali ah is aragii Liverpool ee lugta hore ee Champions League…


Atletico Madrid ayaa ka afduubatay guul qaali ah kooxda martida u aheyd ee Liverpool, lugta hore ee finalka Champions League.

Atletico Madrid ayaa dhalisay gool si dhaqso leh oo uu u dhaliyey Saul Niguez daqiiqadii afraad ee bilowga iska horimaadka.

Atletico waxay qaadatay qorshe difaac ah waxayna xoojisay aaggeeda inta badan qeybtii hore ee ciyaarta, waxayna ku guuleysatay inay ka hortagto weerarada Liverpool, oo aan khatar ku aheyn goolhaye Jan Oblak.

Xaaladda wax badan iskama bedelin intii lagu jiray qeybtii labaad, iyadoo tababbaraha Atletico Madrid uu doonayey inuu kooxdiisa ka ilaaliyo isbedelo dhanka daafaca ah, halka tababaraha reer Jarmal Jurgen Klopp uusan ku guuleysan inuu bedelo natiijada.

Labada koox ayaa ku kulmi doona lugta labaad dalka Ingriiska bisha March 11da.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: