Wararka

Borussia Dortmund oo 2-1 ku dardartay kooxda PSG lugtii hore ee Champions league…


Weeraryahanka da’da yar ee reer Norway Erling Haland ayaa ku hogaamiyay kooxda Borussia Dortmund inay guul 2-1 ah ka gaarto Paris Saint-Germain lugtii hore ee Champions League.

Ciyaarta ayaa aheyd mid furan labada dhinac, waxaana ay labada dhinac isweydaarsadeen fursado ay iska Khasaariyeen qeybtii hore, taasoo ku dhamaatay barbaro goolal la’aan ah.

Dadweynihii ku sugnaa garoonka Signal Iduna Park ee ku yaal Dortmund ayaa sugayay daqiiqadii 69aad inay daawadaan goolkii ugu horreeyay ee kooxda reer Jarmal ay u maraan Haland.

Paris Saint-Germain ayaa dhaqso u soo laabatay waxayna dhaliyeen goolka barbaraha oo u saxiixay Neymar daqiiqadii 75aad, ka dib weerar deg deg ah oo uu hogaaminayay Kylian Mbappe.

Si kastaba ha noqotee, Haland ayaa mar kale dhaliyay goolkiisa labaad oo darbo xoog leh ku dabamariyey goolhayaha xulka Costa Rican Keylor Navas.

Haland, oo 19 jir ah, ayaa dhaliyay ilaa iyo toban gool oo ah nooca haatan loo yaqaan UEFA Champions League, ka dib markii uu 8 gool u dhaliyay kooxdiisii ​​hore ee Austria Salzburg wareega group-yada, wuxuuna ka mid noqday mid ka mid ah u tartamayaasha ugu waa weyn hanashada horyaalnimada.

Weeraryahanka reer Norway ayaa ku soo biirey kooxda Borussia Dortmund inta lagu gudajiray suuqa kala iibsiga ee jiilaalkii la soo dhaafay oo ku wareegay aduun dhan 20 milyan oo euro.

Paris Saint-Germain ayaa ku hor gudban  tijaabo adag inta lagu guda jiro lugta soo laabashada 11-ka Maarso, gaar ahaan maqnaanshaha khadka dhexe ee reer Talyaani Marco Ferrati sababo la xiriira digniino badan oo uu qaatay, taasoo si weyn u saameyn doonta qorshayaasha tababare Thomas Tuchel.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.comm

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: