Wararka

Bangiga dhexe ee Maamulka S/land oo ka mamnuucay suuqa Forex-ka deegaanada maamulkaasi…


Qoraal kasoo baxay Bangiga dhexe ee maamulka Somaliland ayaa looga mamnuucay deegaanada maamulkaasi in uu ka shaqeeyo Suuqa sarifka Onlinka ee loo yaqaan Forex.

Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa qoraalka uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Suuqa Forex uu lamid yahay barnaamijkii la oran iray Jiif oo Jaq oo horey uga jiray deegaanada somaliland balse markii dambe suuqa ka baxay.

Go’aankan adag ee kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo aadaya xili guud ahaan Soomaaliya ku baaheen shirkado ka shaqeeya sarifka Onlinke ee loo yaqaan Forex, kuwaa oo dadka lacago ka qaadanaya una sheegaya in faa’iido badan ku helayaan lacagtooda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: