Wararka

Xoogag ka tirsan al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ku lahaayeen…


Wararka laga helay gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Kenya ay ku lahaayeen meel aan ka fogeyn degmada Gaarisa.

Inkastoo aan la ogeyn tiro rasmi ah khasaaraha ka dhashay weerarkan haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaan waxaana war ay ku qoreen warbaahintooda ku sheegeen in ay gudaha ugu galeen Ciidamada Kenya, isla markaana ay bur-buriyeen agabkii ay ku howlgalayeen ee xerada u yaallay.

Weerarkan ayaa imanaya xili maalintii shalay taliska Mareykanka ee Africom sheegeen in ay dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku lug lahaa weerarkii bishii hore lagu qaaday saldhiga Manda Bay ee gobolka Waqooyi Bari oo xarun u ah ciidamada Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9428 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: