Wararka

Dowlada Somalia oo dhintay shaqaalaha dowlada ee xaadiraya xafiisyada shaqada si loola…


Dowladda Soomaaliya oo la tacaaleysa inuu faafo fayruska sida daran ugu faafaya dunidda ee COVID- 19, ayaa dhintay shaqaalaha dowladda ee xaadiraya xafiisyada shaqada.

Warqad ka soo baxday wasaaradda Shaqada ayaa lagu sheegay inay xafiisyada tagi doonaan maamulka iyo howlwadeennada aan looga maarmin, halka kuwa kalana ay ku shaqeyn doonaan guryahoodda.

Shaqaalaha caafimaadka iyo howlwadeennada ku howlan la-dagaallanka fayruska ayaa iyagu aan la dhimin , si baa la yiri kor loogu qaado inuusan fayruska ku faafin dalka.

Go’aankan ayaa ku soo aaddaya maalmo ka dib markii wasaaradda caafimaadka ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee dalka gudihiisa ee COVID- 19.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9450 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: