Wararka

Magaaladii quruxda badneyd ee Istanbul oo haawaneysa oo ciriirigii ka baxday coronavirus…


Si aan caadi aheyn, jidadkii ciriiriga ee caanka ahaa ee deegaanka Taksim (bartamaha Istanbul) maalmahan waxaa laga waayey dalxiisayaashii, ka dib markii dhammaan goobaha madaddaalada la xiray, si la mid ah dhammaan Turkiga oo dhan, taasi ayaa ku saleysan go’aan ay qaateen mas’uuliyiinta, waxaana ka mid ahaa go’aanka xiritaanka dhammaan naadiyada, goobaha madadaalada iyo goobaha xaflaha xitaa makhaayadaha iyo meelaha laga cabo kafeyga. Tallaabooyinka taxaddarka leh ayaa loo qaaday si looga hortago faafitaanka corona.

Wasaaradda Caafimaadka ee Turkiga ayaa Arbacadii shaaca ka qaadday dhimashada qofkii ugu horeeyey dalka sababo la xiriira corona, iyo kororka dadka asiibay virus-ka oo gaaray 98 kiis, kadib markii la diiwaangeliyey 51 kiis oo cusub.

Mutxafka Aya Sofia

In kasta oo ay jiraan cabsi muuqata oo bilaabaysa in ay xakameyso nolosha dadka, mas’uuliyiinta ayaa xaqiijinaya in arrinta ay gacanta ku hayso illaa iyo hadda, waxayna leedahay looma baahna in lagu dhawaaqo bandow dalka la geliyo, laakiin waxay ku adkeyneysaa muwaadiniinteeda inay xisaabiyaan tallaabo kasta oo ay qaadaan inta ay wataan dhaqdhaqaaqyadooda, oo ay ugu horreyso inay masaafo u jirsadaan bulshada, taasoo ah in laga fogaado Saddex ama afar tallaabo qofka kale si loo hubiyo in fayraska aan la isugu gudbin.
Taksim

In kasta oo Wasaaradda Caafimaadka ee Turkigu u xaqiijiso muwaadiniinta in ay lagama maarmaan tahay in la sii wado si adagna loo raaco tallaabooyinka loona habeeyo noloshooda iyada oo la raacayo, muddada laga yaabo in ay gaarto ayaa noqon karta qiyaastii laba bilood, saadaalinta ayaa muujinaysa in fayrasku ku dhici karo tiro badan gudaha Turkiga maalmaha soo socda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9448 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: