Wararka

Afar dhallinyaro ah oo kufsi iyo dil u geystay gabar ardayad aheyd oo la dal-dalay dalka…


Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa xukun dal-dalaad ah lagu fuliyay afar dhallinyaro ah kuwaas oo sannadkii 2012-kii kufsi iyo dil u geystay gabar ardayad aheyd taas oo da’deeda xilligaas lagu sheegay 23- jir.

Raggan ayaa gabadha ku dhex kufsaday bas kusii jeeday magaalada New Delhi ee dalkaasi Hindiya.

“Gabadheyda waxa ay heshay cadaalad, waxaan u mahadcelinayaa dowladda iyo hay’adaha garsoorka”, ayay tiri hooyada gabadha oo lagu magacaabo Asha Devi.

Kiiskan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa nin shanaad oo xabsiga ku dhex dhintay iyo wiil da’yar oo markii dambe la sii daayay.

Dilkan lagu fuliyay raggan ayaa imaanaya xilli kii ugu dambeeyay ee dalka Hindiya laga fuliyo uu dhacay sannadkkii 2013-ka

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9373 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: