Wararka

Wafdigii DF uga qeyb galay shirkii wada tashiga Puntland oo shir jara’id ku qabtay Garowe…


Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia, Ambassador Axmed Ciise Cawad, oo ku hadlayay magaca wafdigii Dowladda Federalka uga qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland, ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan qodobo kamid ah war murtiyeedkii shirka lagasoo saaray.

Shir jaraa’id oo uu wasiirku ku qabtay Garowe, isagoo ay hareer fadhiyeen wafdiga Dowladda Federalka wuxuu caddeeyay in qodobada qaarkood loogu gafay Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada qeyb kamid ah.

‘Waxaan rabnaa inaan halkaan ka caddeyno inaan diidanahay ereyadii xanafta lahaa ee warmurtiyeedka ku jiray ee loo geystay dowlad goboleedyada qaarkood, kuwaas oo aan qeyb ka ahayn doodihii shirka,’ ayuu yiri wasiir Cawad.

Wasiirka Arrimaha Dibada wuxu sheegay inay sidoo kale diidan yihiin war murtiyeedka qeybta ku saabsan Dowladda Federalka oo uu ku tilmaamay in aysan ka turjumayn hadal jeedintii iyo doodihii shirka.

Dhinaca kale, wasiirka iyo wafdigiisa ayaa soo dhoweeyay safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo Muqdisho iyagoo sheegay inay filayaan in lagu soo afmeero khilaafka Dowladda Federalka iyo maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga Dowladda ederalka ayaa shirkii wadatashiga kadib yeeshay kulan gaar ah oo ka dhashay markii mas’uuliyiinta dowladda ay ka xumaadeen in war murtiyeedka lagusoo daray qodobo aysan iyagu waxba kala socon sida ay sheegeen.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in madaxweyne Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ay Garowe iska racaan wafdiga Federalka iyagoo ku wajahan magaaladda Muqdisho.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9448 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: