Wararka

Wareegto xilka looga qaaday shan wasiir oo soo saaray M/weynaha Maamulka Hirshabelle…


Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo saaray wareegto xilka looga qaaday shan ka mid ah golihiisa wasiirada.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu magacaabay wasiiro kale oo bedelaya kuwa xilalka laga qaaday, lamana oga sababta keentay in wasiiro intaas la’eg mar kaliya xilka laga qaado.

Wasiirada cusub ee la magacaabay iyo magacyadooda:
Xil. Ismail Mohamed Nur, Wasiirka wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga
Xil. Dr. Cabdullahi Abuukar Xuseen, Wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta
Md. Saalax Maxamed Xasan, Wasiirka wasaarada biyaha iyo tamarta
Xil. Maxamed Cabdalla Cal, Wasiirka wasaarada Isbortiga iyo Dhalinyarada
Xil. Cabdinaafac Macallin Rashiid, Wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9448 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: