Wararka

Dadka u dhintay coronavirus dalka Iran oo gaaray 1556, halka dadka uu soo ritay gaarayaan 20kun…


Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani wuxuu sheegay in baaxada caabuqa Coronavirus aysan la jaan qaadi karin awooda Iran, halka tirada dhimashada ay gaartay 1556, tirada dadka cudurka haya oo gaartay in ka badan 20,000.

Rouhani wuxuu ugu yeeray dadka uu haleelay cudurkan in lagu daaweeyo guryahooda haddii xaaladooda aysan u baahneyn Isbitaal.

Dhanka kale Wasiirka Arimaha Dibadda, Mohammad Javad Zarif,  ayaa wuxuu sheegay in Tehran aysan haysanin dhaqaale ku filan oo ay kula dagaallanto fayraska maadaama ay saaran tahay cunaqabateynta Mareykanka.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo wuxuu sheegay in Mareykanku uu sameynayo waxkastoo karaankiisa ah si ay u fududeeyaan gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo ee Iran mana khuseyso cunaqabateynta.

Pompeo wuxuu intaas ku daray in Washington ay sameynayso waxkasta oo ay kari karto si ay u fududeyso in gargaarka bani’aadanimo uu gaaro Iran iyo macaamilka maaliyadeed ee la xiriira.

Wuxuu cadeeyay intii uu ku guda jiray shirkiisa jaraa’id ee guddiga howlgalka la dagaalanka Corona ee Mareykanka in gargaarka noocan oo kale ah uusan khuseynin cunaqabateynta lagu soo rogay Tehran.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9448 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: