Wararka

Dowlada Somalia oo labo maalin fasaxday diyaaradaha ka imanaya dalka dibadiisa si loo caawiyo…


Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa 18-kii bishan joojisay in dalka yimaadaan kana dhoofaan diyaaradaha caalamiga ah, waxaana go’aankaasi dowlada uga hortageysay in cudurka Coronavirus dalka soo galo.

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay soo gaareen cabashooyin ka yimid muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayiran garoomo diyaaradeed oo caalami ah.

Wasaarada ayaana sheegtay in la go’aamiyay in la fasaxo labo maalin diyaaradaha ka imaanaya dalka dibadiisa si muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran garoomada caalamiga ah dalka u yimaadaan kuna soo degaan garoomo cayiman.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9450 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: