Wararka

Puntland oo ku sheegtay safarka Deni ee Mogadishu inuu gogol xaar u yahay gogol dib u heshiisineed…


Golaha Wasiiradda Puntland ayaa beeniyay in safarka madaxweyne Deni uu ku tagayo magaalada Muqdisho uu yahay mid uu wada hadal kula soo galayo Dowladda Federalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay golaha wasiiraddu kula hadlayeen saxaafada, ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu Muqdisho ku tagayo safar uu ugu gogol xaarayo gogol dib u heshiineed oo ay dhigtay Puntland oo lagu dhameynayo khilaafka guud ee Soomaaliya.

Wasiirka, wuxuu sidoo kale iska fogeeyeen eedeymo ay usoo jeediyeen mas’uuliyiinta Dowladda Federalka ee ka qeyb galay shirka wadatshiga, kuwaas oo tilmaamay in warmurtiyeedka kasoo baxay shirka Garowe loogu gafay Dowladda Federalka iyo dowlad goboleedyada qaarkood.

Wuxuu sheegay war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii wadashatiga inuu ahaa war murtiyeed ay ku midaysnaayeen 1,800 ergo oo ka koobnaa qeybaha kala duwan ee Puntland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9450 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: