Wararka

R/wasaare Khayre oo xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Rugta Ganacsiga Somalia…


Ra’iisul Wasaaraha Somalia mudane Xasan Cali Khayre oo xalay xafiiskiisa ku qaabilay xubno katirsan Rugta Ganacsiga Soomaaliya, waxa uuna kala hadlay sida la iskaga kaashan karo ka hortagga faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay inaysan haba yaraatee wax saameyn ah ku yeelan maciishadda tallaabooyinka looga hortagayo faafidda caabuqan, isla markaana ay dowladdu kala shaqeyneyso ganacsatada fududeynta waxyaabaha muhiimka u ah nolosha bulshada.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay qeybta uga qaateen dadaallada looga hortagayo faafidda caabuqa COVID-19.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta hay’adaha dowladda ee ku howlan howsha ka hortagga COVID-19 oo soo bandhigay warbaxin ka hadlaysa waxyaabaha qabsoomay iyo qorshayaasha looga gaashaamanayo COVID-19.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9373 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: