Wararka

R/W Talyaaniga oo sheegay in la xirayo dhammaan goobaha aan muhimka aheyn oo ay ku…


Ra’iisal wasaaraha dalka Talyaaniga Giuseppe Conte, ayaa sheegay in la xirayo dhammaan goobaha ganacsiga ee aan muhiimka ahayn oo ay warshaduhu ku jiraan, xilli waddankaasi uu la daalaa dhacayo xakamaynta faafitaanka cudurka safmarka ahi ee Coronavirus.

Balse Ra’iisalwasaare Conte waxa uu shacabka u xaqiijiyay in dukaamada, farmashiyeyaasha, baananka iyo adeegga boostada ay sii shaqeyn doonaan oo aan la xiri doonin.

Hawl-wadeenno caafimaad oo u dhashay dalka Cuba oo ka kooban dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad ayaa ku sii wajahan gobolka Lombardy ee woqooyiga dalka Talyaaniga, si ay gacan u siiyaan dhakhaatiirta la tacaalaya cudurka Coronavirus.

Hawl-wadeennadani caafimaad oo gaaraya ilaa 50 ayaa ah kuwa inta badan la hawlgeliyo xilliyada ay dhibaatooyinka ba’ani jiraan.

Shabakada wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9373 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: