Wararka

Naadiga Barcelona oo wadahadal kula jira ciyaartoyda kooxda sidii loo yareyn lahaa mushaarkooda…


Naadiga FC Barcelona ayaa waxay wadahadalo la yeelatay ciyaartoydeeda si loo yareeyo mushaarkooda isla markaana laga caawiyo naadiga inay ka gudubto saameynta dhibaatada haatan jirta, taasoo laga dhaxlay cudurka dillaacay ee coronavirus (Covid-19).

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee Marca, saraakiil ka tirsan kooxda Catalan ayaa la xiriiray ciyaartoyda caanka ah ee kooxda si ay ugu gudbiyaan fikradda ah yareynta mushaharka ciyaartoyda inta harsan xilli ciyaareedkan.

Wargeysku wuxuu tilmaamay in ciyaartoydu sifiican uga jawaabeen codsigaas, iyagoo aan sheegin saqafka la dhimayo ama taariikhda hirgelinta codsigan.

Waxay xustay inay ciyaartooyda ku xiriirin doonaan dhameystirka heshiiska ee natiijooyinka maalmaha soo socda ee la xiriira mustaqbalka xilli ciyaareedka iyo taariikhda dib loo bilaabayo kulamada.

Waxaa xusid mudan in khasaarooyinka Barcelona aysan ku koobneyn joojinta helitaanka xuquuqda baahinta iyo iibka tikidhada, maadaama naadigu albaabadiisa u xiray dhammaan dadkii booqanayey oo kumanaan kun ku quloquli jiray garoonka Camp Nou, matxafka naadiga iyo dukaamada wax laga iibsado.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9448 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: