Wararka

Safaarada Somalia ee India oo shaqadii ay heysay si ku meel gaar ah u hakisay iyadoo sabab…


Safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa shaacisay in shaqadii ay heysay si KMG ah u hakisay , waxaana hakinta shaqada safaarada sabab looga dhigay caabuqa Coronavirus oo ku faafaya dalka Hindiya.

War kooban oo kasoo baxay safaarada Soomaaliya ku leedahay dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in safaarada ay hakisay shaqadii ay heysay, kadib amar kasoo baxay dowlada Hindiya oo looga hortagayo in uu gudaha dalkaasi ku faafo Coronavirus.

Safaradda ayaa sheegtay in ay u hogaansami doonto amarada dowlada ay martida u yihiin ee Hindiya, si looga hortago xakamaynta caabuqa, waxa ay safaarada sheegtay in dadka Soomaaliyeed la wadaagi doonto wixii soo kordha muddada ay Safaaradu xiran tahay.

Caabuqa Coronavirus ayaa faro ba’an ku haya wadamo badan oo caalamka katirsan, Caabuqan ayaana keenay in ay joogsadaan duulimaadyo badan oo caalami ah sidoo kale la xiro goobaha waxbarashada , ciyaaraha iyo sidoo kale goobaha dadku isugu yimaadaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10616 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: