Wararka

Suuqa saamiyada ee Wall Street oo soo martay usbuucii ugu xumaa taariikhdiisa…


Haddii suuqyada saamiyada ee Yurub ay dib u soo kabsadeen maalmihii khamiistii iyo Jimcihii la soo dhaafay, laakin Wall Street ayaa soo martay usbuucii ugu xumaa taariikhdiisa, bangiyada dhexena waxay ku qasbanaadeen inay si wada jir ah oo deg-deg ah wax uga qabtaan si looga fogaado burburka nidaamka maaliyadeed, iyadoo la eegayo cawaaqibka coronavirus.

Sophie Roland, maqaal ay ku qortay joornaalka Faransiiska “Les Echos”, waxay ku muujisay jahwareerka ka jira suuqyada maaliyadeed, waxayna sheegtay in halyeeyayaashii ka qeybgalay xiisaddii amaahda guryaha aysan waligood horay u arkin tan oo kale.

Toddobaadkan – sida laga soo xigtay wargayska – cadaadiska soo ifbaxay dhammaadkii Febraayo iyo kiisaskii ugu horreeya ee “Covid-19” ee Yurub iyo Mareykanka ay isu beddeleen xaalada argagax guud, waxay ka gudubtay tusaha baqdinta ee “Fix”intii lagu guda jiray (Tusmada khiyaaraadka isbeddelada ee S&P 500) ayaa dhigay rikoorkiisii ugu sareeyay ee taariikhiga aheyd 2008dii, laakin hadda wuxuu dhigay rikoor cusub 82.69 dhibcood bishii Maarso 16, iyadoo Dow Jones uu la kulamay fadhigii suuqyada ee ugu xumaa tan iyo burburkii 1987, wuxuu hoos u dhacay 12%.

Qoraaga ayaa sheegtay in hoos udhaca noocan oo kale ah uusan horay uga dhicin suuqyada saamiyada hal bil gudaheeda sidan dhakhsida badan.

Sida ay u tahay calaamad darnaanta jahwareerka maalmihii dhowaa, dhowr jeer markii kalfadhiyada suuqa furmay toddobaadkan uu gaadhay ugu badnaan 7% kaasi oo loo badinayo ganacsiga ka socda Wall Street.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9450 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: