Wararka

Taliyihii Booliska magaalada Afgooye iyo seddax ka mid ah ilaaladiisa oo qarax lagu dilay…


Wararka ka imanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay Taliyihii Booliiska ee magaalada Afgooye Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Mursal Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa.

Qaraxa lala eegtay oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa uu haleelay xilli uu Taliyaha kusoo jeeday magaalada Muqdisho, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Afgooye ayaa tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, iyagoo halkaas ka soo qaaday Meydadka iyo dhaawaca Askarta.

Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa geerida taliye Nuunow uga tacsiyadeeyay Ehelada, Asxaabta iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha internetka ee Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegteen mas’uuliyada weerarkii lagu dilay Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Afgooye

Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in qaraxa lagu dilay 5 Askari oo ilaalo u aheyd marxuum Nuunow, iyagoona tilmaamay in burbur xoogan uu soo gaaray gaarigii uu qaraxu haleelay.

Taliyaha la dilay ayaa in muddo ah soo hoggaaminayey Ciidamada Booliiska ee magaalada Afgooye.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9448 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: