Wararka

Ciyaarihii Olimbikada ee lagu qaban lahaa Magaalada Tokyo oo dib loo dhigay coronavirus…


Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa sheegay in guddiga ciyaaraha Olimbikada uu ka dalbaday in muddo sannad ah dib loo dhigo tartanka ciyaarahan.

Tartankan ayaa lagu waday in sannadkan lagu qabto magaalada Tokyo iyadoo sababta dib loogu dhigay ay tahay si looga hortaggo faafida cudurka Coronavirus.

Wuxuu Ra’iisul wasaaruhu sheegay in Madaxwynaha guddiga Olimbikada Thomas Bach ay ku heshiiyeen in dib loo dhigo ciyaaraha kadib markii uu wada hadal dhexmaray.

Ciyaaraha Olimbikada adduunka ayaa la filayay in la qabto 24-ta bisha Luulyo ilaa 9-ka Agoosto sannadkan.

Sidoo kale xiriirka ciyaaraha Yurub ayaa dhowaan shaaciyey in la baajiyey tartankii koobka kubada cagta qaramada Yurub (EURO CUP) oo furmi lahaa bisha Juun ee sanadkan sababo la xiriira cudurka Coronavirus.

Waxaa sidoo kale la joojiyey cudurkan awgiis dhammaan horyaaladii ciyaaraha ee ka socday dalalka qaarada Yurub, iyadoo cudurkan uu ku dhacay ciyaartoy caan ah iyo tababareyaal.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9450 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: